4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2017
Madaxweynaha Jubbaland: Ammaanka dalku wuu ka wanaagsanyahay sidii uu ahaan jiray


Sabti, December, 02, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo maanta gaaray magaalada Muqdisho halkaa oo uga qeybgali doono shir looga hadlayo amniga qaranka oo dhawaan ka furmi doona Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay safarka ku wehlinayeen xubno ka tirsan goleyaasha wasiirada iyo baarlamanka ee Jubbaland ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay garoonka Muqdisho kadib warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in uu Muqdisho u yimid in uu uga qeybgalo shirka looga hadli doono amniga qaranka ee la filayo in uu halkaasi ka furmo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay ammaanka dalka ayaa sheegay in amniga guud ee dalka uu aad uga wanaagsanyahay sidii uu ahaan jiray sanado kahor, isagoo sheegay in uu rajo ka qabo in la gaari doono isku filnaasho dhanka amniga ah.

Waxa uu xusay in ciidamada Soomaaliyeed ee sugaya amniga ay ku shaqeeyaan duruufo adag oo dhanka dhaqaalaha ah, isagoo intaa ku daray in iyadoo ay arimahaasi jiraan ay u dhabar adaygeen ilaalinta nabadgelyada.

Shirka madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboeledyada uga furmi doona Muqdisho ayuu rajo wanaagsan ka muujiyay, isagoo xusay in uu rajeeynayo in la heli doono ciidamo qaran oo awood leh.

Golaha amniga qaranka oo ka kooban dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan shir looga hadli doono amniga dalka, kaa oo madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa dowladda dhexe ay soo gudbin doonaan qorsheyaasha amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab ee ay diyaariyeen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.