4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2017
Shir looga hadlayay howlgalka AMISOM oo ka dhacay magaalada Addis Ababa

 

Sabti, December, 02, 2017 (HOL) – Kulan looga hadlayay howlgalka Midowgga Africa AMISOM ayaa shalay ka dhacay Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray howlaha iyo taageerida AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya.

Shirkan oo ahaa kii 25aad oo ay yeeshaan Guddiga qaabilsan howlgalka AMISOM ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Amb. Smail Chergui.

Waxaa sidoo kale shirka ka qeyb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha Gudu ee AMISOM, Taliyeyaasha Ciidamada ka jooga Soomaaliya, sida Burundi, Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Nigeria oo ciidamo Boolis ka joogaan Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale ciidanka AMISOM iyo ciidamada xoogga dalka, waxaa walwal laga muujiyay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii Midowga Yurub ku bixin jiray howl galka AMISOM.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa sheegay in Al-Shabaab khatar ku yihiin amniga iyo xasiloonida gobolka, waxaa uu xusay in loo baahan yahay sidii ciidamada Soomaaliya ammaanka ugala wareegi lahaayeen AMISOM, isla markaana loo taageeri lahaa qalabeyntooda.

Dhinacyada shirka ka qeybgalay ayaa isku afgartay weerar iyo howlgal ballaaran lagu qaado, iyadoo la soo jeediyay in Midowga Afrika, AMISOM, T/PCCs iyo UNSOS kulan gaar ah ka yeeshaan khatarta Al-shabaab iyo Lojistikada dagaalka ee loo baahan yahay, waxaa kale la isla gartay in la xoojiyo tababarka la siiyo ciidamada Soomaalida si awood ugu helaan la wareegidda ammaanka.

Shir kale oo looga hadlayo ammaanka ayaa la filayaa in 4-5 bisha December lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaana shirkan la xiriiraa sidii loogu diyaar garoobi lahaa in Ciidamada Soomaaliya ay ammaanka dalka ugala wareegi lahaayeen AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]