4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2017
Wasiirkii Saddexaad oo iska casilay golaha xukuumadda maamulka Hirshabeelle

 

Sabti, December, 02, 2017 (HOL) – Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha gudaha Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka uu u magacaabay Madaxweyne Waare Arbacadii ina soo dhaaftay.

Wasiiru-dowlaha is casilay ayaa sheegay in sababta uu isku casilay tahay in uusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay.

Sidoo kale Arbacadii oo aheyd maalinkii lagu dhawaaqay liiska Golaha Wasiirada Hirshabeelle waxaa is casilay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Hirshabeelle Ismaaciil Maxamed Culusow, ka dib markii uu sheegay inaanan lagala tashan xilkaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay 57 xubnood oo ka kooban Golihiisa Wasiirada, Wasaaradaha uu soo dhisay Madaxweyne Waare waxaan ku jirin Wasaaradda Haweenka.

Waa Wasiirkii Saddexaad oo ka mid ah golaha wasiirada uu magacaabay madaxweyne Waare oo shaaciyay inuu is casilay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]