Sabti, December, 02, 2017 (HOL) – Warar soo baxay ayaa sheegaya in Michael
Flynn oo horey u ahaan jirey la taliyiha arrimaha Amniga ee madaxweyne Donald
Trump in uu qirtay in uu been u sheegay hay’adda Sirdoonka dalkaasi Maraykanka ee FBI.
Mr Flynn ayaa lagu qasbay in uu shaqada isaga tago kaddib markii lagu
eedeyeey in uu marin habaabiyay Aqalka Cad, taas oo ku saabsanayd kulamo uu la
yeeshay saraakiil ka socota dalka Ruushka.
Mr Robert Mueller oo ahaa ergeyga gaarka ah ee baaritaanka farogalinta
Ruushka ee doorashooyinkii dhacay 2016-kii ayaa lagu soo waramayaa in
Dacwadaha hadda loo heysto Michael Flynn uu isaga ka keenay.
Warbaahinta Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in Michael Flynn uu isu
diyaarinayo in uu bixiyo marqaati ku aadan wiilka uu sodoga u yahay Mr Trump
Jared Kushner uu ka mid ahaa xubnaha sarsare ee xilligii kala guurka bixiyay
amarka ah in xiriir lala sameeyo Ruushka.
Ninka dacwadda lo heysto Mr Flynn ayaa sheegay in uu la shaqayn doono gudiga
baaraya faragalinta la sheegay in Ruushka ay ku sameeyeeen doorashadii
mareykanka ee 2016,taasi oo keeni karta in ay sii kororto siyaasadda cakrin ee
ka dhexeysa Mareykanka iyo Wadanka Ruushka.
Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa War ka soo baxay lagu sheegay
in Mr Flynn uusan cidna dambi ku qirin balse arrintani ay mid uun isaga
qusayso.
Sanatar Mark Warner oo ah gudoomiyaha gudiga sirdoonka u qaabilsn aqalka sanetka
ayaa sheegay in ay doonayaan in dadk Mareykanka ay ogaadaan faafaahin buuxda oo
ku saabsan arrintan faragalint Ruushka iyo ciddii ku lug lahayd.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]