4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2017
Miisaaniyada dowladda oo markii ugu horeysay loo soo banddhigayo Ururada bulshada rayidka

 

Sabti, December, 02, 2017 (HOL) – Guddiga Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay horgeyn doona Miisaaniyada dowladda ee sanadka 2018ka Ururada bulshada rayidka.

Qeybaha bulshada kulanka ka qeybgali doona ayaa lagu wadaa in ay su’aalo weydiiyaan Guddiga Miisaaniyadda , Maaliyadda iyo Qorsheynta ee golaha Shacabka ay Shacabka ugula tashan lahaayeen Miisaaniyadda dowladda 2018.

Guddiga Miisaaniyadda , Maaliyadda iyo Qorsheynta ee golaha Shacabka ayaa doonaya in ay shacabka u soo bandhigaan Warbixin ku saabsan qaabka loo diyaariyay miisaaniyadda 2018 iyo qaabka loogu qoondeeyay Hay’addaha dowladda.

Guddiga ayaa sheegay in Talooyinka ay bulshada ka aruuriyaan in ay ku dari doonaan Miisaaniyadda dowladda 2018 maadaama sida ay sheegeen miisaaniyadaan 2018 ay tahay mid sareysa oo ka duwan miisaaniyadihii hore.

Miisaaniyadda 2018 ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo Sagaashan Kow dollar).

Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd 260 milyan, Farqiga u dhaxeeya labada miisaaniyadood ee 2017 iyo tan cusub ee 2018 ayaa ah 14 milyan oo micnaheedu yahay 5.63% ayaa ku korortay Miisaaniyada cusub ee 2018.

Sidoo kale waxaa miisaaniyad gaar ah loo qoondeeyay oo miisaaniyadaan ku jira dhismaha warshada dharka ee ciidamada qalabka sida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]