4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 2 , 2017
Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo ka hadlay duqeymaha Daacish ee deegaannada Puntland

 

Sabti, December, 02, 2017 (HOL) –Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo duqeymaha diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeeen deegaan hoostaga gobalka Barri kaasi oo lagu bartilmaameyday sida la sheegay Xarun Daacish ay ku lahaayeen Gobalka Barri.

Gaas oo sii hadlayay ayaa tibaaxay ka hor duqeymaha Mareykanka inta aysan dhicin ay halkaasi weerareen ciidamada Amaanka oo uu leeyahay Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas madaxweynaha mamulka Puntland ayaa soo hadal qaaday xanibaada ka jirta dekeda magaaalada Boosaaso kaa oo ku sheegay in aysan wax dhibaaato ka ah ka taagneyn hasse ahaatee diyaar ay u yihiin in maamulkiisa uu la kulmo Ganacsatada wax ku soo dejisatada dekeda weyn ee Boosaaso.

Hadalka Cabdiwali Gaas ayaaa yimid ka Gadaal markii dhawaanahanna diyaaradaha Mareykanka uu duqeymo ka fuliyeen deegaan hoostaga gobalka Bari, waxaana duqeymahaa lagu beegsaday Amiir sare ee Daacish ka mid ah

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]