Ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland oo sheegay in aan lagu casuumin shirka arimaha dastuurka
Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Kulaan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta dallada ururrada aan dowliga ahayn ee Jubbaland (JUNSAA) ayaa waxa ay uga soo horjeesteen shirka looga hadlayo hannaanka dib u eegista dastuurka ee ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalaya masuuliyiinta ururrada bulshada rayidka ah ee dalka iyo madaxda wasaaradaha dastuurka dowlad goboleedyada, waxaana looga tashanayaa arimo ku saabsan dib u eegista dastuurka.
War saxaafadeed ay soo saartay dallada oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha dalladaasi Mudane Max'ed Naasir Cabdi Axmed ayay ku sheegeen in shirkaasi aan lagu casuumin ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland, sidaa darteedna aysan aqbali karin waxyaalaha kasoo baxa.
"Waxaan wasaaradda arimaha dastuurka ee xukuumadda federaalka, gudiyada labada aqal ee dastuurka iyo gudiga dastuurka ee madaxa bannaan ku wargelineynaa in shacabka Jubbaland aysan aqbali karin waxa kasoo baxo aysanna dhici karin in loo meeriyo wax ay soo dhoodhoobeen shaqsiyaad kabeen sheegaya rabitaanka bulshada Jubbaland," ayaa lagu yiri war saxaafadeeda.
Dhinaca Kale, shabakadda HOL ayaa arimahan wax ka weeydiisay Agaasimaha wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya Mudane Max’ed Abuukar Zubeer, isagoo sheegay in shirka ka socda Muqdisho uu ka qeybalayo masuul matalaya ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland.
“Anigu ma garanayo waxa khilaaf ee u dhexeeya ururka, balse waxaa shirka ka qeybgalaya qof matalaya ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland,” ayuu hadalkiisii raaciyay.
Mar aan weeydiinnay in ay xiriir la sameeyeen masuuliyiinta dallada, ayuu sheegay in inta badan ay ururrada bulshada rayidka ah kala xiriiraan madaxda wasaaradaha dowlad goboleedyada, ayna usoo gudbiyaan dadka ka qeybgalaya, isagoo xusay in wasaaradda cadaaladda Jubbaland ay soo gudbisay qofkii matali lahaa ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- War Deg-Deg ah: Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gurigiisa lagu weeraray
- Kismaayo oo lagu qabtay Kulan ay shacabka Su'aalo ku weeydiinayeen Wasiirro ka tirsan Jubbaland
- Madaxda dowladda oo la kulmay madaxa hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobey
- Xildhibaan CabdiSaabir : Xeer Ilaaliyaha Isaga ayaa shaqadiisa qabsan waayay Annaga in uu na eedeeyo ma’aha
- Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland oo dalbatay in la siidaayo laba Wariye oo Somaliland ku xiran
- Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo danbi ku soo oogay labo xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka
- Ciidamada Booliska ee gobolka Awdal iyo dad Taageersan fanaan Nimcaan Hilaac oo iska horimaad ku dhexmaray Boorama
- DDSI oo ku eedeysay Oromada in ay Xasuuqeen Soomaali Maxaabiis ah
- Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn diyaraadeed oo ka dhacday dulleedka Kismaayo
- Wariye Maxamed Aweys Muudey oo Afar Sano kaddib laga sii daayay xabsi ku yaala Addis Ababa
- Canada oo Soomaaliya ku deeqday $ 10 Million dollar si wax looga qabto dhibaatada Abaarta
- Ra’iisal wasaare Kheyre’’ Waxaa jira ciidamo waa hore dhintay oo ku jira liiska ciidamada shaqeeya