Axad, December, 17, 2017 (HOL)–Madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda ayaa la kulmay Madaxa Qaxootiga Adduunka u qaabilsan QM Filippo Grandi oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey madaxa Qaxootiga caalamka
taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee barakacay
sanadihii ay dalka ka jirtay colaaddu, isagoo xusay xiligan oo dalku soo
hagaagayo in dawladdu diyaar u tahay wixii macquul ah ee sahlaya dib-u-soo
noqoshada dadka qaxootiga ah.
“Soomaaliya diyaar ayay u tahay in ay Qaramada Midoobay iyo hay’addaha kale
ee caalamiga kala shaqeyso hirgelinta barnaamijyada dib u soo celinta Qaxootiga
Soomaalida, waana u mahad celinayaa dawladihii marti-geliyey dadkeena waqtigii
adkaa ee la soo maray”.ayuu yiri Khayre.
Wafdiga uu hoggaaminayo madaxa Qaxootiga Adduunka ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka
Hay’adda u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa sidoo kale kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo maalinta Berri ahna booqan doonaan magaalada
Kismaayo ee dawlad-gobolleedka Jubaland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]