Jimco, December, 15, 2017 (HOL) -- Danjiraha dowladda
Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobe Nikki Haley,ayaa soo bandhigtay wax ay
sheegtay in ay yihiin gantaalo ay dowladda Iiraan siisay mucaaradka Yaman.
Gantaaladan ayeey Xuutiyiinta u isticmaaleen weerar ay ku qadeen dhulka
Sacuudiga, taasoo ka dhalatay in Sacuudiga weeraro is daba joog ah qaado.
Mar ay ka hadlaysay haraadigii Gantaaladaasi ay soo bandhigtay ayeey
sheegtay in ay tahay mid muujinaysa sida ay Iiraan u hurinayso colaadda Bariga
dhexe.
Iiran ayaa beenisay eedeeynta loo soo jeediyay ee ah in ay horinayso colaadaha Bariga
Dhexe iyo in ay Xuutiyiinta hub siisay.
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanka ay doonayaan in ay qariyaan
dambiyada dagaal ee ay Sacuudiga ka gaysteen Yamen.
Xuutiyiinta ayaa dalka Yemen kula dagaalamaya xulafada ay hogaamiyaan
Sacuudiga iyo qaar kale oo ka mid ah wadamada Carabta.
Horraantii bishan ayay ahayd markii kooxda Xuutiyiinta ay dileen madaxwaynihii
hore ee Yamen Cali Cabdalle Saalax.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]