4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2017
Puntland oo sarkaal sare maanta Qarax lagu dilay

 

Talaado, December, 12, 2017 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta uu qarax ku dhintay Madaxii Miino Baarista Puntland Col Cisman Abshir Kabayare.

Korneylka ayaa la sheegay inuu haleelay Qarax lagu aasay aagga Galgala ee gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamada Puntland fariisin ciidan ku leeyihiin.

Mid ka mid ah Ilaalada Korneylka dhintay ayaa VOA u xaqiijiyay in qaraxa uu haleelay sarkaalkan xilli ay ciidamadu ku howlanaayeen soo saarista miino jidka dhinaciisa lagu aasay.

Laamaha ammaanka Puntlad weli wax war ah kama soo saarin qaraxan uu ku dhintay sakaarkaal miina baarista u qaabilsanaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]