4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2017
Wasiir Beyle oo sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in deymaha laga cafiyo

 

Talaado, December, 12, 2017 (HOL) – Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa faahfaahin ka bixiyay shir Magaalada Nairobi ku dhexmaray Hey’adda Lacag Aduunka, Bankiga Aduunka iyo Wasaarada Maaliyadda Somalia.

Beyle ayaa sheegay in shirkaas ay ka soo baxday Natiijo Guul u ah Somalia, taasoo la xiriirta tijaabo Hey’ada Lacagta Adduunku ku sameeyay Hanaanka Daah-furnaanta Maamul Wanaaga Dowladeed iyo Midka Maaliyadeed ee dalka iyo Maamulida dakhliga iyo qarashka dowlada.

Geedi socodka Hanaanka oo ay Hey’adda Lacagta aduunka ku qiimeyneysay Daah-furnaan Dowlad Wanaaga iyo Maaliyada ayaa soo bilowday Bishii 5-aad ee sanadkan waxaana qorshahaas uu ku egyahay Bisha 5-aad ee Sanadka soo aadan.

Wasiir Beyle ayaa warbaahinta u sheegay in Somalia ay guul ka keentay tijaabadaasoo qeyb ka ah Qorshaha deymaha looga cafinayo Somalia kaasoo uu xusay in haddii uu hirgalo dalku uu ka heli doono faaiidooyin badan marka laga cafiyo deymaha.

Somalia ayaa waxaa lagu leeyahay deymo gaaraya shan bilyan oo dollar, kuwaasoo in la cafiyo shuruud looga dhigay hagaajinta hanaanka Maamulka Maaliyada, waxaana deymahaas ay sababeen in Somalia ay weyso mashaariic horumarineed oo laga sameyn lahaa iyo maalgelin badan oo ay heli laheyd.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]