4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2017
Madasha Talo Wadaag oo maanta laga daah furay magaalada Muqdisho

Talaado, December, 12, 2017 (HOL) – Munaasabadan oo lagu daah furayay Madasha Talo Wadaag oo ay ku bahoobeen Siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo Waxgarad Soomaaliyeed ayaa maanta laga daah furay magaalada Muqdisho.

Munaasabada furitaanka ayaa waxaa ka qeybgalay xubo ka socda labada Aqal ee dowladda, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Ururada bulshada Rayidka.

Ridwaan Xirsi Maxamed oo ah guddoomiyaha Madasha Talo Wadaag oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in madashan loogu talagalay in lagu soo bandhigo Aragtida iyo Fikirka Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku daray in loo baahan yahay in Miis kaliya looga wada hadlo Talada dalka oo aan cid kaliya lagu eedin.

Daawo Munaasabada Daah Furka oo ay ka hadleen Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno:

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]