4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2017
Al-shabaab oo soo bandhigay Gaari Caasi ah oo duqeyn lagu burburiyay


Talaado, December, 12, 2017 (HOL) - Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Sawirrada Gaari Caasi ahaa oo khudaar siday, kaas oo xalay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku duqeeyeen agagaarka deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaarada Drone ayaa gantaal ku dhufatay gaariga caasiga oo khudaar ku rarnaa, hase ahaatee ma jirto wax khasaare nafeed oo ka dhashay, marka laga reebo inay soo gaartay burbur lixaad leh.

Wararka ayaa sheegaya in xilligii duqeynta dhaceysay darawalkii Gaariga iyo Kirishboyga ay ka maqnaayeen islamarkaana ay jiif u aadeen gudaha Mubaarak.

Todobaadyadii ugu danbeeyay duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhayay, waxaana ay khasaare ka soo gaartay dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]