4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2017
Cayaar Mucjiso ah oo Galabta dhaxmartay Kooxaha Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Puntland

 

Talaado,  December, 12, 2017 (HOL) – Kooxaha Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Puntland ayaa Galabta ku soo bandhiggay Garoonka Kubadda Cagta Banaadir  Stadium Cayaar u muuqaal ekeyd Final oo kale.

Hirshabeelle waxey u aheyd Lugtoodii labaad halka Puntland kulankoodii  Galabta ay u aheyd kulankoodii ugu horeeyay.

Xiddigaha Hirshabeelle waxey u baahnaayeen in badiyaan madaama kulankoodii hore oo ay la cayaareen Koonfur Galbeed looga soo badiyay 1-0, halka dhinaca kale Puntland oo difaacaneysa Koobka Kubadda Cagta maamul Gobolleedyada laftirkooda u baahnaayeen in ay badiyaan si rajada Lugtooda labaad u wanaagsanaato.

Cayaarta  ayaa ku bilaabatay si deggan oo labada Kooxoodba waxaa ay u muuqdeen in Koox walba tan kale ay u fiirsaneyso qaab cayaareedkeeda.

Xiddiga Puntland ayaa qeybtii hore ee Cayaarta la yimid Labo Gool, hasse ahaatee inta uusan soo dhamaan wareega hore Xiddigaha Hirshabeelle ayaa helay Goolkoodii ugu horeeyay iyaga oo isku-day badan oo ay sameeyeen intii lagu gudda jiray qeybtii hore u suurtagalin ay in dhaliyaan Gool Labaad.

Qeybtii hore kulanka ayaa ku soo idlaatay 2-1 oo ay ku hogaaminayeen Xiddigaha Puntland, hasse ahaatee markii leysku soo laabtay qeybtii danbe ayeey wax walba is badalleen oo Hirshabeelle waxaa ay la soo baxday weerar u muuqda mid kama danbeys ah oo u suurtagaliyay in ay helaan Goolkoodii Labaad oo Cayaarta ka dhigay 2-2, balse waxaa ay mucjisadu soo ifbaxday kaddib markii Xiddigaha Hirshabeelle dhaliyeen Goolkoodii Saddexaad oo Cayaarta ayeey ku hogaamiyeen 3-2 taasoo shaki badan ku abuurtay Cayaartooyda Puntland.

Sagaashankii Daqiiqo ee Cayaarta loogu talagalay waxaa ay ku soo dhamaatay Cayaarta 3-2 oo ay ku hogaaminayeen Xiddigaha Hirshabeelle oo rajo badan ka qabay in ay u gudbi doonaan Afar dhamaadka Cayaarta,  laakiin Daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray ayeey mar kale halkaa ka soo baxday Mucjiso kale oo Xiddigaha Puntland ayaa la yimid Goolkii Seddaxaad oo Cayaartu waxaa ay ku soo idlaatay 3-3 oo ay ku kala baxeen labada Kooxood.

Inkastoo ay hadda hoos u dhacday Rajada Xiddigaha Hirshabeelle haddana xeerl-dheerayaasha Kubadda Cagta ayaa qaba in wax walba ku xirnaan doonaan kulanka ay ku balansan yihiin Kooxaha kubadda Cagta Koonfur Galbeed iyo Puntland oo haddii ay Koonfur Galbeed uga badiso Puntland wax ka badan Labo Gool iyo Eber uu macnaheedu noqon karo in halkaa ay fursad ka heli karaan Xiddigaha Hirshabeelle, laakiin arintaa ayaa la leeyahay waa dhif iyo naadir in ay dhacdo madaama ay adkaan doonto sida cayaartooyda Puntland looga celiyo Shabaqa Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]