Talaado, December,
12, 2017 (HOL) – Ururka Midowga Yurub ayaa ku gacan seyray dalabka ah in Quddus
loo aqoonsado in ay noqonto caasimada Israa’iil kaddib go’aankii dhawaan uu
arrintaan ka qaatay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
Madaxa Siyaasada Midowga Yurub Federica ayaa hadalka ka sheegtay kaddib kulan ay la qaadatay ra'iisul wasaaraha
Israa'iil Benjamin Netanyahu, oo doonayay in EU ay taageerto go'aankii Trump uu
Qudus ugu aqoonsaday caasimaddooda.
tallaabadii madaxweyne Trump
waxaa ka dhashay caro iyo dhalleeceyn caalami ah. Dalalka Islaamka ayaa si adag
u dhalleeceeyay tallaabadaasi uu qaaday Madaxweynaha Mareykanka.
Ms Mogherini, oo ka hadlaysay
shir jaraa'id oo si wada jir ah Brussels ugu wada qateen ayada iyo Netanyahu,
ayaa tilmaamtay in midowga Yurub uu sii wadayo in uu aqoonsado "go'aanka
caalamiga ah" ee Qudus ku saabsan.
"Waa in aan dhahaa in
Ra'iisul wasaare Netanyahu uu ka arkay wasiirada in Midowga Yurub u dhan yahay
arrintan. Xalka keliya ee suuragalka ah ee dagaalka loo helo, waa midka
dhexmaraya Israa'iil iyo Falastiin, kuna saleysan laba dal oo caasimad ay u
tahay Quddus."
"EU iyo dalalka xubnaha
ka ah waxay xushmeynayaan go'aanka caalamiga ah ee Quddus illaa xal laga gaarayo
khilaafka goobaha barakeysan, oo loo marro wadahadal toos ah oo ay yeeshaan
labada dhinac".
Hadalka Trump ayaa waxaa ka hor yimid madaxda dowladdo
badan oo caalamka ah iyo Ururro Caalami ah oo ku tilmaamay tallaabada uu qaaday
Trump mid sii hurineysa colaada markii horeba ka aloosneyd Bariga Dhexe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]