4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2017
Duqeyn xalay ka dhacday deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Talaado, December, 12, 2017 (HOL) - Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxayaa Duqeyn Diyaaradeed oo xalay ka dhacday deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaan ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntan ay dhacday xalay 03:00-AM, waxaana ay sheegeen in ay maqleen Jugata xooggan.

Goobjooge ayaa sheegay in duqeynta ay timid kaddib markii xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay doonayeen in Gaari Caasi ah ay ku soo Rararaan waxyaabaha Qarxa oo dusha sare laga soo saary Moos ay diyaaraduhu bartilmaameedsadeen.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, iyo cida sida rasmiga ah u fulisay, inkastoo loo maleynayo in ay ka dambeeyeen diyaaradaha Mareykanka.

Todobaadyadii ugu danbeeyayba qeybo ka mid gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacayay duqeymo xoogga oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada Al-shabaab iyo saraakiishooda, taasoo keentay in tiro ka badan oo ka mid ah dagaalyahannadooda u firxadeen gobollada dhexe Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]