Talaado, December, 12, 2017 (HOL) - Dowladda Somaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey dilka loo geystay Wariye Mohamed Ibraahim Gaaboow oo u shaqeynayay Telefishinka Kalsan kaas oo gaarigiisa miino loogu xiray.
Wasiir Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan Yarisow ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa ileyhi Raajicuun,
waxaan u tacsiyadeynayaa Qoyskii, bahda Saxaafada iyo Shacabka Soomaaliyeed oo
uu ka tagey marxuumka. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo,
dhammaanteena samir iyo IIMAAN EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN”
Wasiir ayaa cambaareeyey falka dilka loo geystay
wariyaha oo uu yiri “Si kulul baan u cambaareynayaa falka dilka loo geystay
wariye Maxamed Ibarahim Gaaboow, waana muuqataa dhammaan calaamadihii Al-Shabaab oo caadeystay dilka wariyeyaasha, marxuumka wuxuu
ahaa aqoonyahay Jaamacad ku soo bartay dalka Uganda, lahaana mustaqbal
wanaagsan.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in
dambiilayaasha ay baxsadaan oo bulshada ku dhex-dhuuntaan. “Dowladda Federaalka
waxaa ka go’an sidii kooxaha argagaxisada dalka looga sifeyn lahaa si shacabka
ay u helaan ammaan iyo nabadgelyo la isku haleyn karo. Hay’addaha Amniga iyo Garsoorka
ayaana sameynaya baaris dhab ah si sharciga loo horgeeyo dambiilayaasha. Waxaa
dhammaaday waqtigii shaqsi intuu dambi galo baxsada, waxaana sameyn doonaa
tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Eng.
Yarisow
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]