4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Baarlamanka Jubaland oo bilaabay la xisaabtanka wasaaradaha


Isniin, December, 11, 2017 (HOL) -Mudaneyaasha baarlamanka Jubaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday la xisaabtanka wasiirada wasaaradaha kala duwan ee dowlad goboleedka Jubaland, kuwaa oo la weeydiinayay su'aalo la xiriira waajibaadkooda.

Kulanka ay maanta yeesheen mudaneyaasha baarlamanka Jubaland oo ahaa kalfadhigii afaraad fadhigiisii 13-aad ayaa waxaa su'aalo lagu weeydiinayay wasiirka wasaaradda caafimaadka Jubaland Mudane Cali Xaaji Nuur Cali.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamanka Jubaland Mudane Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf ayaa shabakadda HOL u sheegay in baarlamanka Jubaland ay bilaabeen la xisaabtanka wasaaradaha, arintaa oo uu xusay in ay kamid tahay waajibaadka dastuuriga ah ee Baarlamanka.

Waxa uu sheegay in arrintan ay muhiimad gaar ah u leedahay adeegyada ay wasaaradaha kala duwan ee Jubaland u hayaan bulshada, isagoo xusay in wasaaraddii kasoo bixi weeysay waajibaadkeeda ay baarlamanku la xisaabtami doonaan.

Wasiirada wasaaradaha, Ganacsiga, arimaha gudaha, Xanaanada Xoolaha iyo haweenka ayaa hore u hortagay baarlamanka, ayagoo ka jawaabayay su'aalo la xiriira howlaha ay qabtaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.