4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Jawaari : Muslimiinta marnaba gorgortan kama gali doonaan lahaanshaha Quddus

 

Isniin, December, 11, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday in Quddus ay tahay Caasimadda Israel.

Khudbad uu Guddoomiyaha ka jeediyay kulankii Xildhibaanada ee maanta ayuu sheegay in Soomaaliya iyo Muslimiinta aysan marna gorgortan ka geli doonin lahaanshaha Quddus.

“Soomaaliya iyo Muslimiinta marna gorgortan ka gali meyso lahaanshiyaha Quddus waa magaalo ku taalo dhulka falastiin waana magaalo ay leeyihiin muslimiinta oo dhan mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Quddus” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Waxaa uu sheegay in magaalada Quddus ay soo martay waayihii ugu adkaa, isagoo xusay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay aheyd mid khaldan dhib kasta oo ka dhasha ay qaadan doonto mas’uuliyadeeda.

Guddoomiye Jawaari ayaa faray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha shacabka inay qaraar ka soo diyaariyaan arrinta Quddus, markaas kaddibna qaraarka la horkeeno Baarlamaanka, si ay aragti uga qaataan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sumacada Mareykanka ay hoos u dhacday, waxaa uu ugu baaqay Donald Trump inuu ka laabto go’aankiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]