4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Guddoomiye Jawaari iyo Wasiirka Waxbarashada oo ka qeybgalay qalin jabinta 558 Ardey Jaamacada SIU


Isniin, December, 11, 2017 (HOL) - Munaasabad ay ku qalin jabinayeen 558 Arday oo ka baxay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIU ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo hab maamuuskeedu aad u sareysay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Dahir Cusmaan, Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Shaafici Diiriye Cabdi, maamulka, macalimiinta Jaamacadda, madax ka socotay Jaamacadaha Makerere iyo Kenyatta ee Kampala iyo Nairobi, xubno ka tirsan Goloha shacabka, Guddoonka Gobolka Banaadir.

Ardayda ayaa ka qalin jebiyay illaa afar kuliyadood oo kala ah Kuliyaddaha Culuumta Caafimaadka, Ganacsiga, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo Bani’aadanimada.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku booriyay Ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda inay sii wadaan waxbarashadooda illaa ay heerarka ugu sareeya ka gaarayaan.

“Hadda waxaa idiin bilaabatay Jaamacadda aad ka soo baxday mid ka weyn, waxaa idiin bilaabatay Jaamacadda nolosha aduunka, maadaama aad waxbarateen waxaa la idinka rabaa in aad dalkiina wax u qabtaan, waan in aad idinku shaqooyin abuurataan (Self-employment”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Shaafici Diiriye Cabdi ayaa Mahadcelin ballaaran u jeediyay ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda iyo waalidiintooba.

Gudoomiyaha ayaa ardayda ku dhiiri galiyay in ay bulshadda ugu faa’iideeyaan cilmiga iyo khibradaha ay ka barteen intii ay jaamacadda dhiganayeen.

“Maanta waad qalin jabiseen, laakiin waxaa idin horyaala mas’uuliyada adag oo ay ka mid yihiin in aad ku shaqaystaan xirfadaha aad barateen, bulshaddana wax ku soo kordhisaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda.

Aqoonyahanada ka socday Jaamacaddaha dibadda ee ka soo qeyb galay Munaasabadda qalin jebinta waxaa ka mid ahaa Hajjat Fatumah Nakatudde, Dr Apiyo Paska, Prof. William Ogara iyo Pro David Minji.

Maamulka Jaamacadda iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadda ayaa shahaado guddoonsiiyay ardayda qalin jebisay.

Mustafa Hussein
Hiiraan Online
[email protected]