4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 11, 2017
Dilal Qorsheysan oo ka dhacay labadii habeen ee la soo dhaafay Muqdisho iyo dulleedkeeda

 

Isniin, December, 11, 2017 (HOL) – Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw ayaa 48 ee la soo dhaafay waxaa lagu dilay ku dhawaad Shan ruux oo u badnaa shacab, xili ciidamada dowladda Soomaaliya wadaan howlgalo Amniga lagu xaqiijinayo.

Dilkii ugu danbeeyay ayaa xalay lagu beegsaday Ridwaan Salaad oo ka tirsaneyd ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo kooxo hubeysan toogasho ku dileen.

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgalo lagu raadinayo raga hubeesan ee dilalka geesta, waxaa ayna ciidamada baaritaano ka wadaan qeybo kamid ah Muqdisho.

Dilalka qorsheesan ee ka dhaca magaalada Muqdisho qaarkood ayaa lagu eedeeyaa in ay ka dambeeyaan dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana inta badan baxsada kooxaha hubeysan ee dilalka ka geeysta Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]