3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2017
Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka Caalamiga ee Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka dhacaya Cumaan

 

Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska oo lagu qabanayo magaalada Masqad ee dalka Cumaan ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka Mr Talb Rufai iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkan oo ah kii labaad ee Caalami ee Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’ada Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa diirada lagu saari doonaa sidii loo joogteyn lahaa horumarinta Dhaqanka & Dalxiiska Adduunka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa ku wehliya booqashadan Cumaan Yaasir Baafo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska. Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ku soo dhoweeyey magaalada Masqad ee dalka Cumaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Mudane Abdirizak Farah Ali Taano iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda Cumaan iyo Hay’ada Dalxiiska Adduunka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka H.E. Talib Rufai iyo mas’uuliyiinta Hay’adaas, iyadoo Safiir Taano iyo Yasir Baffo ay Wasiir Yarisow ku wehliyeen kulankan. Arrimaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha Somalia ee lagu soo nooleynayo dalxiiska iyadoo Wasiir Yarisow uu sharaxay ahmiyada ay dalka u leedahay si loo helo maalgeshi caalami ah iyo arrimo kale.

Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay dhaqan ahaan yihiin dad si sharaf leh martida u soo dhoweeya isla markaasna jecel safarka, tanoo siineysa awood ah in dalxiiska si deg-deg ah loo soo nooleyn karo. Yarisow ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan in ka badan 150 shirkadaha iibiya tikidhada (Travel Agency), ayna jiraan diyaarado Soomaali leeyihiin oo si joogta ah u duulimaada, iyadoo diyaarada Turkish Airlines ay maalin walba tagto Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in Qurbo-joogta ay dalka u soo dalxiistagaan isla markaasna Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ay dhiirigelin doonto in qoysaska Soomaalida ee Qurbaha la keeno dalka si ay u bartaan dhaqankooda, dhalinyarada dalka gudihiisa joogtana shaqo ugu abuuraan.

Ugu danbeyntii Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Somalia ay ku taalo goob Istraatejiyad ah ayna leedahay xeebta ugu dheer Afrika, leedahayna labo webi, iyadoo kheyraad badan uu ka buuxo dalka, laakin loo baahanyahay maalgashi caalami ah si dalka uu horumar ballaaran u gaaro. Sidoo kale Wasiir Yarisow ayaa yiri “Soomaaliya waxey leedahay goobo dalxiiska ku habboon oo deegaan walba laga heli karo goob aad u qurxoon, iyadoo jawiga iyo neecowda Soomaaliya tahay mid aad ugu habboon dalxiiska. Wasiirka ayaa ka codsaday UNWTO iyo UNESCO inay Somalia ka saacidaan dejinta Istraatejiyada Dalxiiska iyo qorsheyaasha si dhaqso leh loogu soo celin karo dalxiiska Soomaaliya.”

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected] 













Click here
12/10/2017 1:24 PM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL)–Isbitaalka Kalkaal Speciality Hospital ayaa bilabay qaliimo iyo daweyn casri ah, waxaan yimid kana howl galaya dhaqaatiir u dhalatay dalka Hindiya oo ku taqasusay cudaro kala duwan.

12/10/2017 1:05 PM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL)–Xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ilaa Lix Gaari oo kuwa xamuulka qaada ah goor dhaw oo maanta ah dab ku gubeen deegaanka Maroodile oo hoostaga degmada Beledweyne.

12/10/2017 11:32 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL)–Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland ayaa soo bandhigtay falalka ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka ah ee sanadkan 2017-ka ka dhacay Somaliland.

12/10/2017 6:55 AM EST
jAxad, December, 10, 2017 (HOL) –Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa galinkii dambe ee shalay ka furmay Shirka ka talinta Aayaha iyo Masiirka beesha Tanade, kaas oo looga hadlayo Arrimaha tabashada Beesha tanade ee ku aadan Puntland.

12/10/2017 6:15 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan tirada dadka lagu dilay Soomaaliya laga soo bilaabo 2016 illaa 2017.

12/10/2017 6:05 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Ciidamo ka kala tirsan Nabad-sugida dowladda Soomaaliya iyo militariga ayaa ku dagaalamay Isgooyska Tarbuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay ciidamada Nabad Sugida isku dayeen in ay hubka dhigaan ciidamo militari ah oo halkaa ku sugnaa.

12/10/2017 1:09 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saakay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee dalka Masar.

12/10/2017 1:02 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen deegaano hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka.

12/10/2017 1:00 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus.

12/10/2017 12:55 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Shirka Wasiirradda Arrimaha dibadda dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

12/10/2017 12:45 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.