4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 10, 2017
Dhakhaatiirta Isbitaalka Kalkaal oo bilaabay Qaliinno Casri ah Sawirro


Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Isbitaalka Kalkaal Speciality Hospital ayaa bilabay qaliimo iyo daweyn casri ah, waxaan yimid kana howl galaya dhaqaatiir u dhalatay dalka Hindiya oo ku taqasusay cudaro kala duwan.

 Dhaqaaiira timid Isbitaalka Kalkaal waxaa ka mid ah Dr’ Ravish oo ku taqasusay Cudurada ku dhaca Kilyaha, Kaadi mareynka iyo habtaranka Ragga, sida daweyn ta dhalma la’aanta ragga qalinka dhagaxaanta kilyaha iyo kadi mareynka ,qalinka qanjirka boristaatada.

 Sidoo kale Kalkaal waxaa ka howlgalaya Dr Praveen oo ah dhaqtar isna u dhashay dalka India oo ku taqasusay xanuunaha lafaha, Qaliinka ka lafdhabarta (Spein Surgery ) Qaliinka Jilbaha ,Sinaha iyo Daweyntooda, toosinta lafaha qaloocday kaabista lafaha buburay, cayaartooda ka Jaba lafaha, daweyn iyo Qaliinno.

 Isbitaalka Kalkaal ayaa hada bilaabay daaweynta iyo qaliinada cudurada aan kor ku soo sheegnay ,Isbitaalka ayaa ku yaala inta udhaxeysa isgooska Banadir iyo Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hodan.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]