4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 10, 2017
Xarunta Xuququl Insaanka Somaliland oo soo bandhigtay xaaladda Xuquuqul insaanka Somaliland

 

Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland ayaa soo bandhigtay falalka ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka ah ee sanadkan 2017-ka ka dhacay Somaliland.

Gudoomiyaha ururkan Mr:Guuleed Axmed Jaamac ayaa soo saaray warbixin sanadeedka xaaladda xaaladda xuquuqal insaanka Somaliland waxaana lagu sheegay tacadiyada ka dhanka ah Wariyeyaasha qaarkood ee ka hawlgalla Somaliland.

Warbixinta sanadkan 2017 oo ka kooban lixdan bog waa mid ka dhalatay cilmi baadhis laga sameeyey dhamaan gobolada dalka oo dhan iyada oo la waraystay dadka ay khuseeyso, islamarkaana la dersay qoraalo muhiim ah.

Warbixintu waxaa ay ka hadlaysaa dhaqanka adag ee booliiska oo weli u xidha dadka si aan waafaqsanayn shuruucda dalka u taal. iyada oo aanu jirin xeer dhaqangal ah oo xanibaya awoodaha booliisku isticmaalo. Xaruntu waxaay diiwangelisay sanadkan dhacdooyin badan oo booliisku uu gaystay xad gudubyo.

“ Booliiska Somaliland ma laha oo kuma dhaqmo qoraalo qoran oo tilmaamaya habka iyo goorta uu isticmaali karo xabad. Dadka ay xidhaan waxaay kula kacaan tacadiyo jidheed iyo kuwo aflagaado iyaga oo isticmaala marka ay dadka xidhayaan awood xad dhaaf ah. Dadka waxyeelada ka soo gaadhay gacanta booliiska waxa ka mid ah dad naftooda ku waayahay iyo kuwo ku dhaawacmay.”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xaruntan xuquuqul insaanka.

Arimaha booliiska la xidhiidha ee warbixintu ay ka hadlayso waxa ka mid ah:

= Saldhigyada booliiska ee buux dhaafka ah oo ay aad u daran tahay xaaladooda nadaafad, cunto iyo caafimaad;

= Xadhigga aan loo haysan waaranka maxkamadeed oo caado ka noqday Somaliland iyada oo garsoorku aanu ku samayn korjoogtayn booliiska si loo hubiyo inaan lagu tacadiyin xuquuqda dastuurka ku qoran;

= Mudada rumaanka dadka lagu hayo oo aad u dheer;.

= Qareenada oo aan loo ogolayn inay saldhigga dhexdiisa kula kulmaan dadka xidhan iyo inay talo ku dhex siiyaan;

= Qareenada oo aan helin mudo ku filan oo ay difaaca ku diyaarsadaan;

= Cadaymaha oo aan qareenada iyo dadka la soo eedeeyey la sii siin ka hor intaan dacwaddu bilaabmin si ay ugu heli karaan fursad ay iskaga difaacaan;

= Inta badan dadka la soo eedeeyo qareeno ma laha;

= Booliiska iyo ciidanka qaranka oo awood xad dhaaf ah isticmalaay mudaharaadyo dhacay doorashada kadib, 15 November 2017. Ugu yaraan afar qof way ku dhintaan sagaal kalaena way ku dhawaacameen mudaharaadyadaas.

= Dad loo xidho dacwado madani ah oo ay ka mid tahay dayn.

Arimaha kale ee warbixintu ka hadashay waxa ka mid ah:

= Tacadiyada loo gaysto haweenka iyo hablaha ee ay ka mid yihiin kufsiga, garaacista, gudniinka;

= Xuquuqda qabiilada laga tirada badan yahay;

= U cago juglaynta dadka u dooda xuquuqda insaanka;

= Xadhiga iyo dacwaynta siyaasiyiinta;

= Xadhiga iyo dacwad ku oogista suxufiyiinta iyo sidoo kale xayiraadda goobo warbaahineed. Sanadkan, 2017, 27 suxufi ayaa la xidhay. Laba ka mid ah dacwad ayaa lagu soo oogay. Sidoo kale lix shabakadood ayaa la xayiray. Sanadkii hore ee 2016 waxa la xidhay 28 suxufi iyada oo la xayiray 2 wargays.

Talo soo jeedin

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay dawladda Somaliland kula talinaysaa:

1. In la cidhib tiro takoorka iyo faquuqa lagu hayo qabiilada laga tiro baan yahay, lana siiyo adeegyo

2. In la cidhib tiro tacadiyada ka dhanka ah haweenka, lana ansixiyo xeerarka ilaalinaya haweenka iyo hablaha ee ay ka mid yihiin xeerka qoyska, xeer kufsiga;

3. Inay samayso xeerka lagu cidhib tirayo gudniinka;

4. Inay joojiso xeerka ciqaabta ee ay ku qaadayso suxufiyinta. Suxufiyiinta oo xeerka ciqaabta lagu qaadaa waxaay ka soo horjeedda dastuurka iyo Xeerka Saxaafadda, iyo sidoo xeerarka caalamiga ah. Xeerarka madaniga ah iyo Xeerka Saxaafadda waa in lagu daaqo arimaha la xidhiidha warbaahinta;

5. Inay ogolaato in la furi karo warbaahin cusub oo ay ka mid tahay idaacaduhu. Dawladdu waa inay u soo celiso hanaankii lagu diiwaangelin jiray warbaahinta cusub islamarkaana ay ogolaato in kuwa jira cid cusub lagu wareejin karo. Sidoo kale waa in xayiraadda laga qaado wargaysyada xayiran ee Haatuf, Somaliland Times, al Haatuf al Arabia, Hubsad iyo Codka Shacabka, iyo shabakadaha la xayiray;

6.     Inay dib u habayn ku samayso Booliiska Somaliland oo ay ka dhigto booliis ay dacwadihiisa qaadi karaan maxkamadaha caadiga ah iyo inay samayso hanaan booliiska lagula xisaabtami karo.

7. Inay joojiso dadka loo xidhayo dacwadaha madaniga ah;

8. Inay joojiso xadhiga iyo haynta sharci darada ah. Waa in xadhiga dadka loo raaco si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaal;

9. Inay hagaajiso xaaladaha saldhigyada boolioska. 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.