3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 10, 2017
Lubnaan oo ku baaqday Cunaqabateyn ka dhan ah Mareykanka

 

Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay inay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israaa’iil magaalada Qudus.

Mr Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka.

Kolsii horreysay madaxa kaniisadaha Masar Pope Tawadros-ka labaad ayaa sheegay inuu ku gacan seeri doono la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence marka uu soo booqdo magaalada Qaahira dhammaadka bisha soo socoto.

Madaxaha kaniiisadaha Masar ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Mareykanka Trump inuu iska dhaga tiray dareenka malaayiin Carab ah.

Waxaa kale oo ka jiray magaalada Qaza deganaansho la’aan kaddib dibadbaxyo ka dhacayay halkaasi iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada Daanta Galbeed ee Israil ay heysato.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/10/2017 1:46 PM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska oo lagu qabanayo magaalada Masqad ee dalka Cumaan ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka Mr Talb Rufai iyo mas’uuliyiin kale.

12/10/2017 1:24 PM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL)–Isbitaalka Kalkaal Speciality Hospital ayaa bilabay qaliimo iyo daweyn casri ah, waxaan yimid kana howl galaya dhaqaatiir u dhalatay dalka Hindiya oo ku taqasusay cudaro kala duwan.

12/10/2017 1:05 PM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL)–Xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ilaa Lix Gaari oo kuwa xamuulka qaada ah goor dhaw oo maanta ah dab ku gubeen deegaanka Maroodile oo hoostaga degmada Beledweyne.

12/10/2017 11:32 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL)–Xarunta Xuquuqul insaanka Somaliland ayaa soo bandhigtay falalka ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka ah ee sanadkan 2017-ka ka dhacay Somaliland.

12/10/2017 6:55 AM EST
jAxad, December, 10, 2017 (HOL) –Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa galinkii dambe ee shalay ka furmay Shirka ka talinta Aayaha iyo Masiirka beesha Tanade, kaas oo looga hadlayo Arrimaha tabashada Beesha tanade ee ku aadan Puntland.

12/10/2017 6:15 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan tirada dadka lagu dilay Soomaaliya laga soo bilaabo 2016 illaa 2017.

12/10/2017 6:05 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Ciidamo ka kala tirsan Nabad-sugida dowladda Soomaaliya iyo militariga ayaa ku dagaalamay Isgooyska Tarbuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay ciidamada Nabad Sugida isku dayeen in ay hubka dhigaan ciidamo militari ah oo halkaa ku sugnaa.

12/10/2017 1:09 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saakay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee dalka Masar.

12/10/2017 1:02 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen deegaano hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka.

12/10/2017 12:55 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Shirka Wasiirradda Arrimaha dibadda dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

12/10/2017 12:45 AM EST
Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.