4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2017
Shirkii Wasiiradda Arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta oo looga hadlay Qudus

 

Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Shirka Wasiirradda Arrimaha dibadda dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Shirkaan oo ahaa mid diiradda lagu saaray xaaladda magaalada Qudus iyo sidoo kale go’aankii madaxweyne Trump, waxaa ay sheegeen wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka Jaamacadda Carabta in ay tahay wax aan la aqbali karin in Quddus Yahuuda ay u noqoto caasimada.

Wasiiradda ayaa sheegay in ay soo saari doonaan Go’aan mid ah oo ay kaga jawaabayaan hadalkii Trump ee Quddus.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Lubnaan Gebran Bassil, ayaa sheegay in dowladdaha Carabta ay tahay in ay ka fakaraan cunaqabateyno ka dhan ah Mareykanka si looga hortago inay u raraan safaaradda Israa’iil magaalada Qudus.

Mr Bassil ayaa sheegay inay tahay in la qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed, kaddibna lagu soo rogo cunaqabateyno dhaqaale iyo kuwa maaliyadeed Mareykanka.

Madaxa kaniisadaha Masar Pope Tawadros-ka labaad ayaa sheegay in uu ku gacan seeri doono la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence marka uu soo booqdo magaalada Qaahira dhammaadka bisha soo socoto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]