4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 10, 2017
Dilal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dulleedkeeda

 

Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Xaafada Siliga ameerikaanka ee degmada Dharkenley ayaa  xalay waxaa lagu dilay nin la sheegay in uu dadka deegaanka ka mid ahaa, dilkiisa waxaa loo adeegsaday  Qori AK47, Waxaana meydkiisa la keenay Xarunta danbi baarista ee CID

Sidoo kale deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho ayaa lagu waramayaa in lagu dilay Labo Wiil oo Walaalo ah, waxaana dilkooda geystay kooxo hubeysan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo soo gaaray goobaha ay ka dhaceen dilalka ayaa halkaa ka sameeyay baaritaano, ilaa iyo haddana faahfaahin kama bixin cid lagu soo qabtay.

Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa Mid wanaagsan, waxaana ciidamada dowladda ay wadeen howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]