4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2017
Akhriso : Isku Aadka Tartanka Cayaaraha Aduunka ee sanadka 2018 lagu qabanayo dalka Ruushka

 

Jimco, December, 01, 2017 (HOL) - Inkastoo marka la eego dalal waaweyn oo magac iyo maamuus intaba ku dhax lahaa cayaaraha ay ka hareen Tartanka Kubadda Cagta Aduunka ee ka dhacaya 2018ka dalka Ruushka, haddana wali ma xiisa la’a oo waxaa isku arki doona dalal caan ku ah Cayaaraha Kubadda Cagta.

Tusaale ahaa dalalka Portugal iyo Spain ayaa hal Group isku arki doona waana labo dal oo marka la eego si weyn uga dhax muuqda Cayaaraha Kubadda Cagta, sidoo kale waxaa Group kaliya ku wadda jira oo dalalka Argentina iyo Nigeria.

Sida ay isku Arki doonaan Wadamada ka qeybgalli doona Tartanka Kubadda Cagta Aduunka :

Group A

  1. Russia
  2. Saudi Arabia
  3. Egypt
  4. Uruguay

Group B

  1. Portugal
  2. Spain
  3. Morocco
  4. Iran

Group C

  1. France
  2. Australia
  3. Peru
  4. Denmark

Group D:

  1. Argentina
  2. Iceland
  3. Croatia
  4. Nigeria

Group E:

  1. Brazil
  2. Switzerland
  3. Costa Rica
  4. Serbia

Group F:

  1. Germany
  2. Mexico
  3. Sweden
  4. Korea Republic

Group G:

  1. Belgium
  2. Panama
  3. Tunisia
  4. England

Group H:

  1. Poland
  2. Senegal
  3. Colombia.
  4. Japan.

Dhacdadan Tartanka Kubadda Cagta Aduunka oo Afartii Sano mar la qabto ayaa ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn dunida ee sida weyn loo xiiseeyo, waxaana ay cayaarahan furmi doonaan sida uu qorshuhu yahay 14ka bisha June ee sanadka 2018, waxaana dalalka sanadkan aan ka soo muuqan doonin ka mid ah Italy, Holland iyo wadamo kale oo Qaarada Africa ka tirsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]