4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2017
Guddi baarayaal ah oo sheegay in dhimashada Qaraxii Zoobe gaartay 512 Ruux

 

Jimco, December, 01, 2017 (HOL) - Guddiga Gurmadka Qaran ee dowladda Soomaaliya ay u xilsaartay wax u qabashada dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay Qaraxii Zoobe ka dhacay 14bishii October ee sanadkan ayaa sheegay in dhimashadu gaartay 512 ruux.

Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan guddiga ayaa sheegay in tirada dhimashada Qaraxii Zoobe oo ay ogaadeen in gaarayaan 512 ruux, isaga oo intaa ku darray in ay jiraan dad wali la la'yahay oo Eheladooda baadigoob ku hayaan.

Qaraxan oo ahaa kii ugu xumaa ee taariikhda soo mara dalka Soomaaliya ayeey horay dowladda Soomaaliya u shaacisay in ay ku dhinteen 358 ruux, laakiin waxaa hadda muuqata in tirada ay sii korartay.

Dadka ay Eheladooda ku dhinteen Qaraxa ayaa helay gurmad kala duwan oo heer Waddani iyo mid Caalami intaba isugu jiray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]