4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2017
Galmudug iyo Ahlu Sunna oo heshiis hor dhac ah gaaray

 

Jimco, December, 01, 2017 (HOL) - Warar ka imanaya dalka Jabuuti oo ay ka socdaan wadda hadallo u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa sheegaya in labada dhinac ay halkaa ku gaareen heshiis hor dhac ah.

Wadda hadallada oo dhowr cisho halkaa ka soconaya ayaa ugu horeyn ku bilaawday tababar la xiriira xalinta khilaafaadka oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD, waxaana la guda-galay intaa kaddib wadda hadallo toos ah oo dhaxmaray wafdiga labada dhinac.

Labada dhinac ayaa si hor dhac ah ugu heshiiyay qodobadan :

1- In Ahlu Sunna ay aqbashay magaca Galmudug.

2- In Ahlu Sunna ay aqbashay ku biiritaanka Galmudug.

3- In Ahlu Sunna ay xubno ku yeelato Baarlamaanka Galmudug.

4- In Ahlu Sunna ay yeelato Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Galmudug iyo Taliye-yaasha Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Galmudug.

5- In sidoo kale Ahlusuna ay yeelato Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ku xigeenkiisa, 11 xildhibaan iyo 5 Wasiir.

Labada dhinac, ayaa waxaa lagu wadaa in ay soo bandhigaan qodobada ay ku heshiiyeen oo dhameystiran, si Galmudug ay uga hana qaado Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]