4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2017
Wefti ka socda dawladda Jabuuti oo kulan la yeeshay madaxweynaha la doortay ee Somaliland


Jimco,December, 01 2017 (HOL)- Madaxweynaha la doortay ee Somalialnd Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ka socda dalka Jabuuti, kuwaas oo isugu jira xildhibaanno, dublomaasiyiin, safiirro iyo saraakiil kale.

Weftigan oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Cali Cabdi Faarax, la-taliyaha gaarka ah ee Ra’iisal-wasaaraha Jabuuti Md. Nagiib Kaamil Cabdallah, Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland Ambassador Xuseen Cumar Kawaaliye iyo saraakiil kale, waxaanna weftigaasi markii ay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ka soo degeen ay Madaxweynaha kulan kula qaateen gurisiisa.

Madaxweynaha waxa kulankiisa ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Madaxweyne-ku-xigeenka la doortay Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiye-ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee xisbiga KULMIYE - Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere iyo xubno sare oo xisbiga KULMIYE ka tirsan, waxaana labada dhinac kulankooda diirrada ku saareen dhinacyo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka labada dal.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed oo kulanka kadib faahfaahin bixiyey, ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Weftigu waxa ay ahaayeen hambalyo soo dhaweyn ah oo kasoo horraysa tii Caleemo-saarka, taas oo markhaati ka ah jaarnimada labada dal iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti oo runtii mid aan la ilaawi Karin ah, imikana aanu rajaynayno inuu xidhiidh aad u ballaadhan noqdo, Jabuuti waxa naga dhexeeya Jaarnimo, walaaltinimo iyo waxyaallo badan, waana dad dega labada dhinacba.”

Xildhibaan Cali Cabdi Faarax oo kamid ah weftiga reer Jabuuti ee booqashada ku yimi Somaliland, ayaa isaguna farta ku fiiqay in booqashadoodu salka ku hayso isku dhawaanshaha labada dal iyo xidhiidhka wanaagsa ee u dhexeeya bulshada isku dhiigga iyo dhaqankaba ah ee labada dhinac ku kala dhaqan, waxana uu yidhi, “Waxanu u nimi walaaltinimo iyo hambalyeynta madaxweynaha lagu doortay doorashadii sida fiican u dhacday, Somaliland-na waa dalka noogu dhow, dhaqaale ahaan, diin ahaan iyo dhiig ahaanba, inaanu markaa dadka kale kasoo horrayno oo aanu kasoo hor marno oo aanu kasoo horrayno caleemo-saarkii bisha dambe dhacayey socdaalkayaga ayaana tilmaamaya inta aanu isku jirno, waana hambalyeynay madaxweynaha umadda reer Somaliland dooratay, waana u ducaynay inuu Ilaahay xilkaas ku garabgalo.”

Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray “Socdaalkayagu waa mid walaalnimo iyo darisnimo, ka kale ee caleemo-saarkana Jabuuti way iman doontaa oo wefti rasmi ah ayaa iman doona, umadda reer Somaliland-na waanu ugu hambalyeynaynaa sida quruxda badan ee ku dayashadu ku jirto ee iyada oo aanay cidina caawin ay doorashadaa heerka sare ah ee casriga ah ee la isku raacay inay tahay tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee qaaraddan Afrika ka dhacday, waana inta aad dadka dheer tihiin in idinka oo aan la idin aqoonsan oo aanay cidina idin gargaarin aad gaadheen, aqoonsiguna waa ka umaddu is aqoonsatee idinkaa is aqoonsatay,”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.