4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2017
Tartanka Shataranjiga Iskuulada oo ka bilaabanaya Magaalada Muqdisho

 

Jimco, December, 01, 2017 (HOL) - Xiriirka Soomaliyeed ee Shataranjiga ayaa daah furay tartanka shataranjiga ee Iskuulada magaalada Muqdusho ee gobolkan Banaadir.

Furitaanka tartankan  Shataranjiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee shataranjiga Axmed cabdi xasan wataac iyo masuuliyiin ka kala socday iskuulada tartanka ka qeyb galaya.

Tartankan oo ah midkii ugu horeeyay ee noociisa lagu qabto gobolka Banaadir ayaa waxaa loo kala qaybiyay Afar heer oo kala duwan oo kala ah ardayda da’doodu ay ka yartahay 12-ka sano 14-ka sano 16-ka sano iyo 18-ka sano.

Waxaa furitaanka tartankan Shataranjiga ee ka hadlay gudoomiyaha guddiga Wabarashada iyo Garsoorka ee xiriirka soomaliyeed ee Shataranjiga Cabdalla Cabdalla Cali kaas oo tartankan ku tilmaamay mid Taariiqi ah oo loo baahnaa, waxaana uu intaa ku daray in tartanka uu bilow u yahay tartamo ballaaran oo loo qaban doono iskuulada dalka .

Gudoomiyaha xiriirka soomaliyeed ee shataranjiga Axmed Cabdi Xassan wataac oo isna ka hadlay furitaanka tartanka ayaa sheegay in xiriirkiisa guul u tahay qabashada tartanka shataranjiga ee iskuulada gobolkan banaadir oo ay ka qeyb galayaan arday aad u da’yar.

“Ciyaartan waxa ay ka qeyb qaadataa kaabidda maskaxda ubadka , hadafkeenuna waa sidii aan u soo saari laheyn ubad soomaliyeed oo maskax horumarsan leh kaasoo dalkiisa iyo Isboortigiisa horumar gaarsiin kara” ayuu yiri Guddoomiye Wataac.

Guddoomiyaha ayaa intaa kaddb ballan qaaday in ciyaaryahanki natiijo wanaagsan ka keena Tartanka uu fursad u helayo in uu Soomaaliya ku matalo ciyaaraha da’yarta Shatranjiga Qaaradda iyo adduunkaba.

Tartanka oo ay ka qeyb galayaan 30 Arday oo ka socta 10 iskuul ayaa socon doona mudoo laba maalmood ah waxaana gabagabdiisa abaal marino qiimo badan la gudoonsiin doonaa ardayda soo tiigsata kaalmaha 1-aad 2-aad iyo 3-aad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]