4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 1 , 2017
Al-shabaab oo waddada u galay ciidamo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan

 

Jimco, December, 01, 2017 (HOL) -Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhabo–gal ah ku qaaday ciidamo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan oo ku sii jeeday degmada Maxaas.

Iska horimaad culus ayaa labada dhinac waxaa uu ku dhaxmaray deegaan u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas, waxaana dagaalka labada dhinac ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Guddoomiyaha ayaa ka soo amba baxay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa uu ku sii jeeday degmada Maxaas, halkaasi oo howlo shaqo uu ugu socday, sida ay inoo sheegeen ila wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada Gobolka Hiiraan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka mid ahaa wafdiga la soday gadiidka la weeraray ayaa warbaahinta u sheegay in Al shabaab looga dilay iska horimaadka Afar ka mid ah kooxihi soo weeraray 11 kalana looga dhaawacay islamarkaana dhinacooda uu ka dhintay hal Askari oo ka tirsana ciidamada dowlada.

War Al-shabaaba ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen ilaa saddex Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]