4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
Ehelada dadkii ku dhintay howlgalkii Bariire iyo dowladda oo is afgarad gaaray

 

Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Waxaa todobaad ku dhawaad kaddib la Aasay meydadkii dadkii rayidka ahaa dhawaan lagu dilay weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii ay is afgarad arintan ka gaareen ehlada dadka dhintay iyo dowladda federaalka.

Ehelada ayaa horay u sheegay in ay dadkan Aasi doonin ilaa dowladda federaalka ay ka qiraneyso dilka dadka rayidka ah dhinaca kalana magdhaw laga siinayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka ogolaatay in magdhaw la siiyo ehelada dadkii ku dhintay weerarka, laakiin lama oga cadadka lacagta dowladda ay magdhaw ahaan u siineyso qoysaska ay dadkaasi ka baxeen.

Baaaritaanka arintan ku saabsan ayeey dowladdau u saartay guddi heer wasiiro ah oo tagay goobta uu falku ku dhacay, waxaana la filayaan dhawaan in ay soo saaraan warbixin la xiriirta sida uu dilka u dhacay.

Weerarkii Bariire ayaa sidoo kale qalqal ka dhax abuuray warbaahinta iyo dowladda federaalka, kaddib markii wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya siyaabo kala duwan ula wadaageen qalabka warbaahinta habka uu weerarka u dhacay iyo in dad rayid ah weerarkaasi lagu dilay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]