4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
Dowladda Itoobiya oo xaqiijisay in dowladda Soomaaliya u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ONLF

 

Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u sheegtay in dowladda Soomaaliya u soo gacan-galisay sarkaal ka tirsanaa Jabhada ONLF oo todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Soomaalia ay u soo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

“Waxaan kuu xaqijinayaa in Ethiopia loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Soomalia, mas’uulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah” ayuu yiri.

 

Dowladda Soomaaliya oo arintan wax laga weydiiyay waxaa ay ku gaabsatay in ay ka hadli doonto waqtiga ku haboon, laakiin ma aysan bixin faah faahin intaa ka badan.

ONLF ayaa dhinacooda ku eedeeysay dowladda Soomaaliya in ay Itoobiya u gacan galiyeen Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, waxaana ay arintaan ku tilmaameen mid xad gudub ku ah xeerka caalamiga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]