4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
Magaalada Laascaanood iyo u-diyaar-garoowga munaasabada Ciidul-Adxa


Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Diyaar-garowga maalinta Ciidda ayaa ee deegaannada gobolka Sool ka duwan kuwii ka horeeyey iyadoo ay jiraan khalkhal dhaqaale, kaddib markii la diidey qaybo ka mid ah lacagta Soomaaliga.

Suuqa magaalada Laascaanood ayaa qaybo ka mid ah ay dadku teelteel ku yihiin halkii ciidahii hore ay maantoo kale aan la heli jirin meel banaan.

Maryan Cali oo haysata carwo suuqa dhexdiisa ku taal ayaa HOL u sheegtay in aysan dadku aad hada wax u iibsanayn iyadoo dadka qaarkiina ay wataan lacagaha la diidan yahay.

"Waxaan haystey lacag iyadiina waa laygu diidey, hadana garan maayo si aan u maaraydoono, waxaanse talasaaranaynaa Illaahay" sidaa waxaa sheegtay Raxma C/salaan, waxaana ay intaas raacisay in sariflayaashu kuu sarifayaan markaad ka tagtana la kala gurayo oo inta badan lagugu soo celinayo.

Maamulka Gobolka ayaa amar ku bixiyey in la qaato wixii lacag ah marka laga reebo lacag duug ah oo dhowaan soo gashay gobolka, balse amarkaas ilaa hada waa adagtahay inuu fulo iyadoo dad badan la xidhxidhay.

Si kastaba ha ahaatee waa Ciiddkii ugu adkaa uguna dhaqaalaha liitey gobolka iyadoo ay la wadaagaan dhulbadan oo Soomaaliya ah.

Seynab Cabdi Warsame