4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya oo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabada Cudul-Adxa

 

Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda SoomaaliyaMaxamed C/llaahi Famaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan Ciidul Adxa.

Madaxweynaha Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.

“Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna..”ayuu yiri Madaxweynuhu

Madaxweynaha waxaauu si wayn ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.

“Haddii aan anagu masuuliyiintii nahay waxaanu u istaagnay in aan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar”

Madaxweynaha ayaa rajo ka muujiyey in Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ay ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]