3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
Sanbaloolshe : Arinta sarkaalka ONLF ee lagu wareejiyay Itoobiya waxaa haboon in laga hadlo wqtigeeda

Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa markii ugu horeysay si dadban uga jawaabay su’aal aheyd waxa ay dowladda ka og-tahay sarkaal ka tirsanaa jabhada ONLF oo la sheegay in dowladda Soomaaliya u gacan galisay Itoobiya.

Su’aashan oo aheyd mid la weydiiyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa waxaa kala wareegay taliyaha nabad-sugida Qaranka oo yiri ‘’ Arrinka la xiriira Sarkaalka la sheegay inuu ONLF yahay ee dowladda wareejisay sidaa la socotaan arrinkaas waa arrin xasaasi ah oo ay waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabo, aniga oo afduubaya dowladda waxaa jeclaan lahaa in arrintan aysan xilligan dowladda ka hadlin”ayuu yiri Taliyaha NISA .

Ra’iisal wasaare Kheyre oo dhinaciisa ku raacay taliyaha hay’addaha nabad-sugida in arintaa loo daayo waqtigeeda, madaama ayuu yiri taliyaha nabad-sugida yahay shaqsiga amniga u qaabilsan dowladda arintaana xog ogaalnimadeeda tahay in isaga looga danbeeyo.

“Madaxda Qaranka waxaa la yiraahdaa hay’adaha Sirdoonka ayaa u taliya, haddii uu na afduubo, isaga noo xog ogaalsan dalka amnigiisa”.

Ururka ONLF ayaa war saxaafadeed ay soo saareen maanta waxay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay u gacan gelisay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, iyagoo ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ku xad-gudubtay dastuurka iyo xeerarka caalamiga iyo midka dalka Soomaaliya.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/31/2017 12:52 PM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Waxaa todobaad ku dhawaad kaddib la Aasay meydadkii dadkii rayidka ahaa dhawaan lagu dilay weerarkii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii ay is afgarad arintan ka gaareen ehlada dadka dhintay iyo dowladda federaalka.

8/31/2017 12:38 PM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u sheegtay in dowladda Soomaaliya u soo gacan-galisay sarkaal ka tirsanaa Jabhada ONLF oo todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

8/31/2017 12:25 PM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Diyaar-garowga maalinta Ciidda ayaa ee deegaannada gobolka Sool ka duwan kuwii ka horeeyey iyadoo ay jiraan khalkhal dhaqaale, kaddib markii la diidey qaybo ka mid ah lacagta Soomaaliga.

8/31/2017 12:16 PM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda SoomaaliyaMaxamed C/llaahi Famaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray Hambalyo ku aadan ciidul Adxa.

8/31/2017 9:12 AM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Malaayiin Xujey Muslimiin ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa maanta taagan Banka Carafo, iyaga oo soo gudatay Acmaal kala duwan oo ka mid ah Arkaanta Xajka.

8/31/2017 8:57 AM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) - Qiyaastii 3.1 milyan oo qof, oo u dhigma 25 boqolkiiba bulshada Soomaaliyeed ayaa la saadaalinayaa in ay wajihi doonto xaalladdo bani’aadanimo oo deg-deg ah.

8/31/2017 8:11 AM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) - 30 xubnood oo ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray Magaalladda Muqdisho, sida uu sheegay Taliyaha Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada S/guuto Xasan Calasoow Maxamuud.

8/31/2017 6:38 AM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka Magaalladda Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.

8/31/2017 5:52 AM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Qiyaastii laba Million oo Muslimiin ah oo ka kala yimid Adduunka oo dhan ayaa maanta ku cibaadeysanaya buurta Carafat si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka.

8/31/2017 1:58 AM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -15-ka Xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa xalay isku raacay in muddo 1-sanno ah lagu kordhiyo Hawlgalka Midowga Africa AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya.

8/31/2017 1:44 AM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Ciidamada Maamulka Jubaland ee Soomaaliya ayaa maanta howlgallo xooggan ka wada deegaanka Miidow ee Gobolka Jubbadda Hoose.

8/31/2017 1:28 AM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Kulankan oo qeyb ka ah barnaamijka wacyigalinta bulshada ee loogu magacdaray “Samawade” waxa uu ahaa mid dadweynaha ku nool dagmada Yaaqshiid lagaga dalbanayay in amaanka degmada ay kala shaqeeyaan laamlaha amaanka, si looga guul gaaro ficiladda kooxaha argagixisada ee suurtagalka noqon karta in loo adeegsado bulshada kuwooda nugulka ah, si gaar ah in waalidiintu ay ogaal dhow u yeeshaan caruurtooda, si looga baaqsado in ilmaha loo adeegsado falal aan wanaagsaneyn.

8/31/2017 1:22 AM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Ciidamada Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa in ay la kulmayaan iska caabin adag oo kaga imanaysa dagaalyahanada kooxda Daacish oo ku jira magaalo yar kadib markii ay ka carareen magaalladda Tal Cafaar.

8/31/2017 1:17 AM EST
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Kulan loogu magac daray “Maqal Dadkaaga”, oo uu soo qaban-qaabiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay lagu qabtay Magaalladda Muqdisho.