4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
FAO “In kabadan 3.1 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa wajahaya dhibaatooyin iyo xaalladdo deg-deg ah”

 
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) - Qiyaastii 3.1 milyan oo qof, oo u dhigma 25 boqolkiiba bulshada Soomaaliyeed ayaa la saadaalinayaa in ay wajihi doonto xaalladdo bani’aadanimo oo deg-deg ah.

Abaarta ayaa waxaa ay qasabtay in kala bar dadka Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo ka barakacsan abaaraha, iyo kuwo kale oo ay cadurro ay soo wajaheen.

Nabadgelyo-xumo iyo baahsanaan la'aan cunnada dhinaceeda ah iyo cudurrada oo kordhay waxay sababeen sii xumaanshaha xaalladda guud ee nafaqada ee Soomaaliya. Kaalmada gargaarka bini'aadminimo waa in la sii wataa si looga hortago in ay sii xumaato xaalladda. Khatarta macluusha ayaa sii socon doonta illaa dhammaadka sanadkan:, ayaa lagu yiri warbixin ay maanta soo saartay hay’adda FAO.

Roobabkii Gu'ga ee sanadkan 2017 ayaa billoowday xili dambe, waxaana uu dhammaaday goor hore, taasina waa dhibaato kale oo abaarta sii daba dheereysay.

Fursadaha shaqo ee beeraha ayaa sidoo kale xaddidan. Xoola-dhaqatadana waxaa saameeyay abaar joogta iyadoona waxsoosaarka xoolaha iyo dhalmada uu hoos u dhacay, ayaa warbinta qeyb amid ah lagu yiri.

In kabadan 3.1 million oo qof, ayaa waxaa ay wajihi doonaan musiibo ama xaalladdo deg-deg ah, marka la gaaro bisha December ee sanadkan.

Lixdii bilood ee ugu horeysay ee sanadkan qiyaastii 701,500 oo qof ayaa ka barakacay abaaraha, taas oo xakameysay dalagyadii kasoo go’ijiray beeraha waxaana noloshada ay ka dhigtay mid quus ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia