4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2017
Xubno ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya oo maanta tababar loogu soo xiray Magaalladda Muqdishu

 

Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) - 30 xubnood oo ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray Magaalladda Muqdisho, sida uu sheegay Taliyaha Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada S/guuto Xasan Calasoow Maxamuud.

Askarta tababarka ka faa’iideysatay ayaa kala ahaa 5 sarkaal, 11 kormeer, 6 S/xigeen iyo 7 dablay ah. Saraakiisha Boliiska ayaa sheegay intii tababarka uu socday in ay fududeeyeen, Turjumaayaal maclimiin ah, kuwaas oo ka kala socday ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliya, ayaa sheegay 30-ka xubnood ee ka faa’iideystay tababarka in ay qaateen casharo ku saabsan, Habraaca la dagaallanka Jabhadaha iyo Argagixisada, farqiga u dhaxeeya Jabhad iyo Argagixiso, xaalladdaha ay ku abuurmaan jabhadaha, doorka Boliiska ee la dagaalanka jabhadaha iyo casharo kale.

Sidoo kale tababarka ayaa waxaa qeybtiisii labaad lagu bartay, Xuquuqul Aadanaha, Saameynta Colaaduhu ay ku reebtay bulshada, awooda Boliiska ee ilaalinta bulshada, Gabood falada kadhanka ah jinsiga,  ilaalinta carruurta iyo xuquuqahooda, qaabka loo wareysto carruurta oo casharo kale, sida uu sheegay Taliyaha Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada S/guuto Xasan Calasoow Maxamuud.

Taliska ayaa sheegay in dhammaan duruusta ay ciidanka ku barteen fasallo iyo si ficil ah, waxaana tabarkaasi uu socday muddo 10 maalmood ah.

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa door aad u weyn ka qaatay nabad-gelyada dalka Soomaaliya gaar ahaan tan magaalladda Muqdisho.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia