4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
25 qof oo dhaawac uu ka soo gaaray shil gaari oo ka dhacay Duleedka Magaalladda Jowhar

 
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo maanta ka dhacay duleedka Magaalladda Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.

Shilkan ayaa yimid kaddib markii ay isku dheceen laba gaari oo xamuul ah oo mid uu waday dad shacab ah halka kan kalena uu waday 100 neef oo ari ah, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Gaarigii dadka shacabka ah ay saarnaayeen ayaa waxaa soo gaaray bur-bur xooggan, halkaas oo khasaaraha intiisa badan uu ka dhashay.

Deegaanka ay mashaqadu ka dhacay ayaa qayaastii waxaa uu 10 KM dhanka Koonfureed kaga aadan magaalladda Jowhar.

Mas’uuliyiinta ayaa ku warramay in 21 ragga ah oo darowalkii gaariga uu ku jiro ay dhaawacmeen halka 4 dumar ahna uu dhaawac soo gaaray.

Dadkii gurmadka sameeyay ayaa sheegay in xaalladda qaar kamid ah dhaawacyada ay aad u liidato, waxaana hadda qaarkood lagu dabiibayaa isbitaalka magaalladda Jowhar.

Shilalka khasaaraha inta badan ay ka dhashaan ayaa waxaa loo sababeeyaa waddooyinka qaar ee Goboladda dalka oo aan haggaagsaneyn iyo xirfada darowaladda oo ah mid aan sidoo kale wanaagsaneyn.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia