4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
Laba Million oo Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Carrafa si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka

 
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Qiyaastii laba Million oo Muslimiin ah oo ka kala yimid Adduunka oo dhan ayaa maanta ku cibaadeysanaya buurta Carafat si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka.

Kumanaan Soomaali ah oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa ayaa ka mid ah Muslimiinta gudaneysa waajibaadka xadka ee sanadkan.

Faa’iidooyinka ay leedahay Maalinta Carafo ayaa ah mid aad u weyn, waxaana muslimiinta looga baahan yahay in maanta oo kale ay ka faa’iideystaan, isla markaana duceystaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkan adeegyo cusub ku soo kordhisay Xajka, kadib markii sanadkii hore is buurasho ka dhacday Mina ay ku dhinteen boqolaal qof.

Sidoo kale Xujeyda ayaa maanta marka ay qoraxdu dhacdo waxay u dareeri doonaan dhanka Musdalifa, si ay habeenkooda ugu qaataan alle bari, ama ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka, waxaana ay isku jamcin doonaan salaada maqrib iyo cisho. 

Maalinta berri oo ah 10-ka Carafo waa Maalinta Ciidul Adxa , waa ciidaha uu Islaamku weyneeyo, waxaana looga baahan yahay Muslimiinta inay sadaqo la baxaan, qofkii awoodana uu gowraco neef, si uu u sadaqeysto.

Hadaba waxaa dhamaan Umaddaha Islaamka, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyneynaa soo galida Ciida Carafo, anagoo Alle uga baryaynay dambi dhaaf, naxariis iyo in Alle dhibka ka dulqaado.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia