4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
Ciidamada Jubaland oo maanta howlgallo ka wada deegaanka Miidow oo ay shalay qabsadeen

 
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Ciidamada Maamulka Jubaland ee Soomaaliya ayaa maanta howlgallo xooggan ka wada deegaanka Miidow ee Gobolka Jubbadda Hoose.

Deegaanka Miidow, ayaa shalay waxaa la wareegay ciidamada Jubaland kaddib markii Al Shabaab ay isaga bexeen.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa ku sugan daafaha deegaanka, waxaana dadka ku nool deegaanka ay sheegayaan in mar kasta la filan karo dagaal.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Miidow, ayaa waxa ay sheegayaan in xaafado ka tirsan deegaanka Miidow ay howlgallo ka wadaan ciidamada Jubbaland, waxaana meelaha qaar xiran Goobihii Ganacsi.

Sarakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ay siiwadi doonaan howlgalladaasi.

Maamulka Jubaland ayaa dhawaan sheegay in ay qaadayaan howlgallo ay kula wareegayaan dhammaan deegaannada Al Shabaab ay ka maamulaan Jubbooyinka iyo Gedo.

Wixii howlgalkaasi kusoo kordha halkan kala soco.. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia