4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
Degmadda Yaaqshiid oo lagu qabtay kulan dadweynaha looga dalbanayay in ammaanka ay kala shaqeeyaan hay’adda ammaanka

 

Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Kulankan oo qeyb ka ah barnaamijka wacyigalinta bulshada ee loogu magacdaray “Samawade” waxa uu ahaa mid dadweynaha ku nool dagmada Yaaqshiid lagaga dalbanayay in amaanka degmada ay kala shaqeeyaan laamlaha amaanka, si looga guul gaaro ficiladda kooxaha argagixisada ee suurtagalka noqon karta in loo adeegsado bulshada kuwooda nugulka ah, si gaar ah in waalidiintu ay ogaal dhow u yeeshaan caruurtooda, si looga baaqsado in ilmaha loo adeegsado falal aan wanaagsaneyn.

Isku keenkan dadweyne waxaa soo agaasimay maamulka degmada yaaqshiid, waxaana ka qeyb galay maamulka gobalka Banaadir xubno ka socday xukuumadda Soomaaliya.

Axmed  Maxamed Xasan Geedoow gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa shacabka ka dalbada iney la shaqeeyaan laamaha ammaanka.
Jawaahir Baarqab gudoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay iney shacabku ciidanka ayla shaqeeyaan.

Sheekh Cali Sh Maxamuud Sh Cali-dheere Agaasimaha Waaxda Diinta Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya oo kamida culumada Soomaaliyeed ayaa isaguna ka hadlaya muhiimadda ay leedahay in bulshadu amaanka maamulka ay kala shaqeeyaan.

Sh Calidheere wuxuu xusay in waajib diini uu waalidku ka saaranyahay la socoshada iyo barbaarinta ubadkooda, isagoo bulshada kulanka joogtay ku dhiirrigaliyay in ay meel uga soo wada horjeestaan fikirka xagjirnimada ah.

Hiiraan Online, News Desk