4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
Kulan wariyaasha ay su’aallo ku weydiinayeen Xukuumadda oo xalay lagu qabtay Muqdishu

 
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Kulan loogu magac daray “Maqal Dadkaaga”, oo uu soo qaban-qaabiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay lagu qabtay Magaalladda Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa wariyaasha ay su’aallo ku weydiinayeen qaar kamid ah golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Md. Xasan.

Xasan Cali Khayre, ayaa madasha kusoo bandhiga muuqaal soconayay 10 daqiiqo, kaas oo lagu soo bandhigay waxyaabihii xukuumadda u qabsoomay bishii lasoo dhaafay.

Su’aallaha ayaa inta badan waxaa ay ahaayeen kuwo furan, mana jirin kala soocida su’aallaha, marka la fiiriyo dhiiranaanta weydiinta su’aallaha iyo jawaabaha ay bixinayeen wasiiradda iyo RW.

Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Hantidhowrka guud ayaa kulanka qeyb-ka ahaa. Taliyaha Nabad sugida ayaa sheegay, in dhawaan ay qorsheynayaan in labada Shabeelle iyo Muqdisho ay ka dhigaan meel la isku haleyn karo.

“Amniga Caaaimadda wax badan  ayaa laga qabtay tan iyo markii la dhisay Ciidanka Xasilinta caasimada waxaana loo diiday Argagixisada in ay dhibaato ka geystaan Magaalladda ,hadadna waxaa noo qorsheysan sidii aan u xasilin laheyn Gobalada dariska la  ah Gobolka Banaadir” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Qaranka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dhawaan uu ka guuri doono madaxtooyada uuna deegaan ka dhigan doono mid kamid ah degmooyinka Gobolka, si uu u dhexgalo dadka shacabka ah ee uu xilka u hayo.

Dhinaca kale Md. Xasan ayaa beeniyay wararka sheegaya in isku shaandheen uu ku sameynayo golihiisa wasiiradda, isagoona kulanka Maqal Dadadkaaga uu sheegay in uu noqon doono mid bishiiba mar la qabto.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia