4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2017
Al-shabaab oo weeraray deegaan ka tirsan degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya

 

Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) – Xoogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Daba oo ka tirsan degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in iska horimaad uu dhaxmaray ciidamo Kenayaan ah oo ku sugnaa saldhig deegaanla ku yaala iyo Al-shabaab, waxaan la sheegay in ciidamada Kenya iska caabiyen weerarka.

Hasse ahatee dagaalamayaasha ayaa bur buriyay dhismayaal waaweyn oo ganacsi iyo Anteenooyinka Shirkaddo isgaarsiineed.

Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo weerarkaas ka dhashay oo soo kala gaaray labada dhinac ee ciidamada booliska Kenya iyo xoogagga Al-shabaab ee weerarka fuliyay.

Al-Shabaab ayaa laba jibaaray weerarada ay ku qaadayaan dalka kenya bilahan dambe, iyadoo dadka Kenyaan-ka ay soo food saartay xaalad cabsi ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]