4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2017
Rugta ganacsiga oo ka shirtay wareegtadii ka soo baxday wasaarada ganacisga iyo warshadaha


Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) – Gancsatada ku mideysan Rugta Ganasiga iyo Warshadaha oo kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaa ay siweyn uga wada hadlleen wareegtadii dhawaan ka soo baxday wasaarada ganacsiga ee lagu sheegay in lagu kala diray Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Kulankaa oo waqti dheer qaatay ayaa waxaa ugu horeyn ka hadleyn gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganasiga iyo Warshadaha Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan  waxaana uu sheegey in ay la yaab ku noqotey Wareegtadii ka soo baxdey Wasiirka Ganacsiga  isagoo sheegey in Rugta Gananasiga ay ay tahay meelaha sida Cadaalad ay Doorashadeeda u Dhacdo.

“Waxay ahayd in la tashi la sameyso Dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku mideysan Rugta Ganacsiga si ay u ogaato Xaqiiqda Dhabta iyo qaabka ay ku shaqeyso Rugta Ganasiga iyo Warshadaha” Sidaa waxaa yiri Gudoomiye ku xigeenka Rugta oo sheegey Madaxda ugu sareysa ay si deg deg ku soo dhex galaan arrintaan.

Xubnihii kale ee kulankaas ka hadley Waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gaobolka Banaadir Cali Xuseen Ibraahim (Cali Kaba Qori) waxaana uu sheegey in aad uga Xumaadeen Wareegtadadaas ay soo saartey Wasiirka Ganacsiga waxaa uu intaa sii raaciyey.

“ Rugta Ganacsiga  waa Rug Madaxbanaan hase yeeshee Wasaarada Ganacsiga waxaa kala dhaxeeya Iskaashi iyo Wada shaqeyn sidaa Darteed  Wareegtadaas waxay tilmaameysaa qof aan la socon Xaalada  Dhabta ah ay ku shaqeyso Rugta Ganasiga  iyo Warshadaha waxaana ku celinayaa in ay madaxda dowladda  arrintaan soo farageliyaan”

Waxaa kaloo Shirkaas balaaran ka hadley Gudoomiyaha Caymiska Spomaaliyeed Maaxamed Cabdi Maxamuud Waxaana uu yiri “Waa sannadkii Ummada Soomaaliyeed la isku soo dhaweyn lahaa marka ma ahayn wax ummada Soomaaliiyeed sii kala Fogeynaya la soo saaro sidaa darteed waxaan ku talinayaa in wareegtadaas dib loogu laabto

Maxamed Axmed Rooble oo ah Gudoomiyaha  Dhoofka iyo soo dejinta  ee Rugta Ganasiga Soomaaliyeed  iyo Abshir Maxammed Culusow oo ah Gudoomiye ku xigeen Rugta ganasiga Gobolka Banaadir oo labadoodu kulankaas ka hadley ayaa yiri “ Rugta Ganasiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ma aha Rug lagu maamulo Wareegto ee Waa Rug ay madaxdooda ku yimaadaan Doorasho marka wareegtadaas waxay la mid tahay mid ku dhaqan ah habka Hantiwadaaga ama Shuuciyada''