4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2017
Shaqaallaha dowladda Soomaaliya oo la fasaxay maalmaha Ciidda Carrafo

 
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in dhammaan shaqaallaha dowladda ay fasax yihiin maalmaha ciidda Carrafo.

War-qoraalka ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda waxaa ay ku wargelinaysaa dhammaan hay’adaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay in shaqaallahooda ay fasax yihiin maalmaha Sabtida iyo Axadda, haddii Alle uu idmo, kuna aadan 2-3 Bisha September 2017”.

Sida ku cad sharciga shaqaallaha, waxaa shaqaallaha la fasaxaa maalmaha musaabaddaha Muslimiinta iyo maalmaha Qaran.

“Waxaaan rajeynayaa in dhammaan shaqaalla weynaha Soomaaliyeed ay ku ciiddaan farxad iyo reynreyn”, ayaa sidoo kale lagu yiri warka.

Shaqaallaha dowladda ayaa sanad walba sidan oo kale u hela fasax, waxaana ujeedka loo sameynayo ay dowladda ku sheegtay in ay qoysaskooda lasoo ciideystaan.

Ciidda carrafo ayaa la saadaalinayaa in ay kusoo beegmi doonto maalinta Jimcaha, taas oo ka dhigay in dhammaanka Muslimiinta ay heli doonaan laba Musaabadooda oo mid tahay Ciidda midna ay tahay fadliga maalinta Jimco.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia