4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 30, 2017
Guddoomiyaha Leego oo sheegay in ay gacantooda kusoo celin doonaan deegaanka Leego oo ay Al Shabaab maamulaan

 
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose Abuukar C/laahi Isaaq, ayaa sheegay in dhawaan ay doonayaan iney la wareegaan deegaanka oo ay hadda maamulaan kooxda Al Shabaab.

Leego, ayaa waxaa ka shaqeeya amaradda Al Shabaab, waxaana kooxda ay halkaasi maamulayaan tan iyo bishii lasoo dhaafay, kaddib markii Ciidamada AMISOM ay isaga baxay deegaanka. Laammaha ammaanka ee Gobolka ayaa dhankooda wada dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

“Kama quusan in aan gacanteena kusoo celino deegaanka. Waxaan dooneynaa in Al Shabaab aan ka saarno deegaanka sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ciidamada dowladda Federaalka, oo taageero ka helaya AMISOM ayaa dhawaanadii lasoo dhaafay waday dhaq-dhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaanka.

Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegay in Howlgalka billowday uu yahay mid sii socon doono, al shabaab looga saarayo deegaanada wali ku harsan gacanta Kooxda Al shabaab.

Deegaanka Leego wuxuu isku xiraa magaallooyinka Muqdisho iyo Baydhabo , waxayna Magaalladda Muqdisho u jirtaa qiyaastii 120 KM.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia