4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 30, 2017
Saddex carruur ah oo ku geeryootay Miino ay ku cayaarayeen Gobolka Mudug

 
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) –Ugu yaraan saddex carruur ah ayaa geeryootay kaddib markii Miino ay ku cayaarayeen ay kula qaraxday Gobolka Mudug, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Munsiibadan ayaa shalay waxaa ay ka dhacday deegaanka Docolo-oomane oo ka tirsan gobolka Mudug.

“Carruurta waxaa ay gargaraaceen Miinada oo dhulka ku aasneyd, maadaama aysan aqoon u laheyn, waxayna taasi sababtay inay la qaraxdo oo carruurta ay halkaasi ku geeriyoodaan”, mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sidaasi sheegay. 

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha wuxuu u sheegay maydadka saddexda carruurta ah in ay ka soo qaadeen meeshii ay ku geeriyoodeen ee miinada ay kula qaraxday.

Maamulka Gobolka Mudug wali kama uusan hadlin dhacdadan ay carruurta ku dhinteen. Inta badan deegaana Mudug oo horay loogu dagaallamay ayaa waxaa laga soo sheegaa in waxyaabo qarxa ay ku aasanyihiin dhulka.

Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa codsaday si loo badbaadiyo carruurta in la sameeyo wacyi-gelin ama la bilaabo howlgallo ballaaran oo lagu baarayo meelaha looga shakiqabo in ay Miinooyin ku aasanyihiin. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia